AI-gu aad buu ugu fiicnaaday hadalka, balse aad buu ugu xun yahay taabashada wali. Model ayaa kuu qori kara business plan, laakiin ma qaadi karo koobka miiskaaga saaran.

Waxaa jira xal ama hab lagu hiigsado in awoodaas la gaadho, waana mawduuca aan maqaalkaygan kaga hadlayo. Waxaa la yidhaahdaa Vision Language Action (VLA).

Waa maxay VLA?

VLA-gu si yar oo fudud: waxaa gala waxa kamaraddu aragto iyo waxa qofku yidhi. Waxaa ka soo baxa motor commands — dhaqaaji xubintan, ama hore u tallaabso.

Ma jiraan rules gacan lagu qoray. Modelku wuu eegaa, jumladda wuu fahmaa, wuuna dhaqaaqaa.

Marka language model khaldamo, erey ayaa si khaldan loo higgaadiyaa (spelling). Marka VLA khaldamose, waxa dhaca dhaqaaq aan haboonayn.

Qaybta adag waa data-da, ma aha modelka

Language models waxay internetka ka heleen tiriliyaanno (trillion) erey oo bilaash ah. Robotics-ku xog noocaas ah ma haysto. Ma jiro website bixinaya "sawirka kamaradda 10:03:04 → dhaqaaji 3 darajo bidix."

Sidaas darteed data-da gacanta ayaa lagu sameeyaa, badanaa teleoperation. Qof ayaa robotka ku wada VR controller ama gacan yar oo leader ah; hawsha si sax ah ayuu u qabtaa, nidaamkuna wax walba wuu duubaa qiyaastii 30 jeer ilbiriqsigii: muuqaallada kamaradda, joint angles, iyo action-ka saxda ah ee la qaaday.

Kadib jumlad baa lagu dhejiyaa: "laablaab tuwaalka." Duubistaas waa hal episode (muuqaal). VLA casri ah waxaa lagu tababaraa boqolaal kun oo episode ah.

Ururinta data-du waxay noqotay halka caqabad ee dib u dhigtay horumarinta robots-ka. Shirkadda Apptronik waxay dhistay Robot Park keliya si ay robots ugu wado oo data u ururiso.

Gemini Robotics 2

30-kii July 2026, Google DeepMind waxay ku dhawaaqday saddex model: VLA hadda wada humanoid buuxa — cagaha ilaa faraha; model embodied reasoning ah oo qorsheeya hawlo tallaabo badan leh; iyo model on-device ah oo robotka gudihiisa ku shaqeeya.

Safety: marka qaladku noqdo dhaqdhaqaaq

Su'aasha halkan ka bilaabmata, ee caalamka trend-ka ka noqotay, waa Safety: sidee loo sugi karaa in qalad dhaco?

Ku darso in qaladka dhacayaa markan uu yahay move, ee uusan ahayn spelling-kii aynu soo xusnay. Haddii qalad move ahi dhaco, wax badan oo qaldamaya ayaa jira — sida in khatar ay gali karto nafaha adeegsanaya robots-kan.

Haddii aad rabto inaad wax uun iska waydiiso sababta safety-ga AI-ga xoog loogu hadal hayo dhawaanahan dambe, waxaan kugula talin lahaa inaad akhrido buugga uu qoray Nick Bostrom ee SuperIntelligence: Paths, Dangers, Strategies. Aad buu runtii indhaha iigu furay.

Haddii kale, oo aad rabto wax kooban — maadaama buuggani ka kooban yahay 500 oo bog — waxaad daawan kartaa video-gan.